Kenya Oo Joojisay Xidhiidhkii Xagga Hawada Ee Ay Somalia La Lahayd Inta Madaxweyne Obama Safarkiisa Lagu Gudo Jiro
Nairobi:Jully,15,2015(SDN/QJ)-iyadoo wax toban cisho ka yari ka hadhsan yihiin safarka la wada sugayo ee Madaxweyne Obama la filayo inuu Kenya ku yimaaddo, ayaa Dowladda Kenya inay joojin doonto dhammaanba dhaqdhaqaayada dhinacda diyaaradaha ee dalkaasi la leeyahaye dhiggiisa Somalia inta booqashadaasi scooto.
Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya Manoah Esipisu, ayaa ku dhawaaqday in Garoomada Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport aanay kusoo degi doonin Diyaaradaha ka yimaada Somaaliya, sababo dhanka Amniga Obama la xidhiidha.
Madaxweyne Obama ayaa 25-ka Bishan Booqasho Rasmo ah ku tagaya Magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya markii ugu horeysay tan iyo intuu Madaxweynaha Mareykanka noqday 2008.
Guud ahaan Amaanka Magaalada Nairobi ayaa la adkeeyay, waxaana dalka Kenya la geeyay Ciidan si gaar ah u tababaran oo dalkaasi Mareykaanka laga keenay & Gaadiidka aan xabaddu karin ee (Bullet proof) oo loogu tala galay Obama & Wafdigiisa.
SDN/QJ