|

Kenya Oo Iran U Dirtay Codsi La Xidhiidha Fududaynta Ganacsiga Caleenta Shaaha

Nairobi:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Dawladda Kalka Kenya ayaa dhiggeeda Iran ka codsatay inay fududayso Ganacsiyada Dhinaca shaaha ee Kenya Geysa iran.

aamina goreWasiirada arimaha dibada ee dalkani kenya Amina Mohamed ayaa si weyn Dawladda Iran ugu bandhigtay Dhibaatooyin soo noqnoqday oo haysta caleenta shaaha ee dhinaca Iran Tagta, waxana ay u sheegtay innay Iran arrintaas wax ka qabtaan.

Wasiirada ayaa gaar ahaan dowlada Iran ugu baaqday in ay ka fikiraan faa’idada u soo noqonaysa ganacsatada Kenyanka ee caleenta shaaha dhoofiya .

Wasiirada arimaha dibada mr amina maxamed ayaa farta ku fiiqday in ganacsatada Kenyanka ee caleenta shaaha ay intooda badan u dhoofiyaan dalka Iran .

Ms amina oo hadal jeedinaysay ka dib kulan ay magalada Tehran kula yeelatay wasiirka arimaha dibada ee Iran Mr Mohammad Javad Zarif, in ganacsatada dalkani Kenya ee caleenta shaaha u dhoofisa Iran ay la kulmaan caqabado badan sida baadhiatan dheer iyo xaqiijin .

Wasiirada ayaa sidoo kale uga mahad celisay dowlada Iran kaalmada dhanka dhaqaalaha ee ay Kenya siiso gaar ahaan lacagaha ay ugu deeqdo dhanka caafimaadka iyo waxbarshada iyo biyaha .

Ms Mohammed ayaa sidoo kale ka codsatay dowlada Iran in ay Kenya gacan ka siiso la dagalanka argagixisada iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalak Soomaaliya .

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed