|

Kenya oo dib u soo celineysa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda

Nairobi Dec 11 2012 (SDN)— Raysal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinka ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya waxa uu ugu baaqay in dib ay isaga laabtaan wadankooda hooyo uu sheegay in haatan uu yahay mid nabadgalyo ah oo aanay ka jirin wax dhibaato sidaasi u buuran.

Rayla Odinka ayaa tilmaamay in haatan loo baahan yahay in si dhaqsi ah dib loogu masaafuriyo Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan waxa uu si gaar ah farta ugu goday Soomaalida ku dhaqan xerada qaxootiga ee Dhadhaab ku jirta.isagoo ku eedeyay inay ku lug leeyihiin falal argagixiso ah uu sheegay inay ku sii kordhayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyin badan oo Kenya ku yaalo sida Nairobi,Mandheera,Gaarisa iyo Magaalo xeebeedka ee Mombasa ee dalka Kenya.

Dowlada horay ayey u amartay in cagta la mariyo dadka sida sharci darada ah u jooga wadankeena loona celiyo meeshii kol hore ay ka yimaadeen”ayuu yiri Mr Odinka.

Hadalka ka soo baxay Raysal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinka ee ku aadan Soomaalida ay dib isaga laabtaan dhulkooda hooyo ayaa waxa uu sheegay in jawaab ay u tahay qaraxii dhawaan ka dhacay masjidka ku yaala dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ee Hidaaya lagu magacaabo kaasi oo sababay in shan qof ay ku dhintaan halka tiro kale uu ku jiro Mas’uul laga soo doorto Degmada Kaamakunji Yuusuf Xaaji taasi uu ku sheegay Raysal wasaaraha in aan laga aamusi karin waxa ka dhacaya dalka Kenya islamarkaana ay kuwo wax u dhimaya xaalada amaan ee ka jirta dalka Kenya.

Raysal Wasaaraha ayaa waxa uu ku celceliyay in qaxootiga ku jira xeryahaya Dhadhaab ay ku dhex dhuumaaleysanayaan dad xiriir la leh Al-Qaa’ida sida uu sheegay,isagoona tilmaamay in maalintii ay yihiin kuwo shacab ah habeenkiina ay hubkooda la soo baxayaan,waxa uuna ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xaqiijiyaan ammaanka xeryahaasi.

Dib ugu celinta Soomaalida ku sugan dalka Kenya waxaa wada qaba Mas’uuliyiinta dalka Kenya,balse arintaasi ayaa waxaa ka soo horjeeda hay’adaha gar gaarka sida Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF oo sheegtay in aanay jirin meel loo celiyo.

SDN-Nairobi

Comments are closed