|

Kenya Oo Culaysku Ku Sii Batay Iyo Dhawaaq Dhiillo Leh Oo Ka Soo Baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi

Nairobi:May,18,2014(SDN/QJ)-Masuuliyiinta Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Dalka Kenya, ayaa Dalbaday in Ciidamo dheer ah la geeyo, kadib markii qaraxyadu Bateen Dalkaasi Kenya.

diblomaatAmbassador Robert Godec oo ah safiirka Dowladda Mareykanka ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay ka dalbanayaan Dowladda Kenya iyo Dowladda Mareykanka ciidamo dheeraad ah oo ku aadan ilaalinta xarunta Safaarada Mareykanka ee Kenya.

Robert Godec ayaa sheegay in amaanka Safaarada ay khatar soo food saartay isagoo xusay in dowladaha Mareykanka iyo Kenyaba looga baahan yahay in ay xaqiijiyan ammaanka Safaarada iyo shaqaalaheedaba.

Wixii ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen Suuqa Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi ayuu Ambassador Robert Godec, sheegay inay kordheen weerarada qaraxyada ay ka geysanayaan dalka Kenya waxa uu ugu yeedhay argagixisada.

“Nasiib daro xaalada amaan ee Magaalada Nairobi iyo Mombassa way sii xumaanaysay laga soo bilaabo musiibadii ka dhacday Westage mall waana mid nagu beertay cabsi iyo wal wal badan waana in wax laga qabtaa “ Ayuu yidhi safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kenya ayaa hada waxaa hadheeyay mowjado qaraxyo ah oo dalkeeda ka dhacaya, waxaana wadamada reer galbeedka ay bilaabeen inay muwaadiniintooda kala baxaan dalkaasi, xilli dhawaan ay soo saareen warbixino ku aadan qaraxyo dalkaasi ka dhici doona.

1998, ayay ahady markii AL-Qaacida ay qarxisay Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi iyadoo halkaasi ay ku dhinteeen dad ka badan 200 oo qof halka Boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Go’aanka cusub ee safaaradda Mareykanka, ayaa aad usii murgin doona xukuumadda Kenya, oo hoos dhac dhaqaale kala kulantay dalxiiskii dalka oo yaraaday, waxaana tan ay kordhin doontaa culeys cusub.

Masuuliyiinta Kenya wali jawaab uma hayaan Qaraxyada isdaba joogga ah ee Dalkooda ka dhacaya, marka laga reebo in yar oo amar-ku-gaaglayn ah oo ay ciidamadoodu ka wadaan Somalia, waxana ay haatan ku mashquulsan yihiin talaabadii ay qaadi lahaayeen.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed