Kenya oo caro uga jawaabtay Digniin Mareykanku ka soo saaray in dalkooda la booqdo
Nairobi Sept 29,2013(SDN)-Dawlada dalka Kenya ayaa caro uga jawaabtay digniin Mareykanku ka soo saaray booqashada dalkan dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay safarada damaashaadka ee reer Galbeedku halkaa ku tagaan.
Dawlada Mareykanka ayaa ku celisay digniin ay booqashada dalkaasi ka soo saartay bishii June ee ina dhaaftay.
Qoraalkan cusub ee muwaadiniinta Mareykanka looga digayo in ay booqdaan Kenya ayaa lagu xusay weerarkii todobaad ka hor lagu qaaday Westgate Mall.
Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya ayaa qoraal ay uga jawaabtay digniintan Mareykanka ka soo saaray booqashada dalkooda waxa lagu sheegay in aan loo baahneyn.
“Mareykanka iyo Caalamka kaleba waa ay ka dhacaan weeraro,balse digniin dadka loogu sheegayo in aaney dalkeena soo booqan ma aha wax ay nu ka fileynay saaxiibadayda”ayaa lagu yiri qoraalka jawaabta ahaa.
Kenya ayaa sanadii 2011kii waxaa dalkeeda booqday dad damaashaad u tegay oo lagu qiyaasan 1.8 million oo ruux.
Dadkaa badankoodu waxa ay ka tegeen dalalka reer Galbeedka iyo Mareykanka,waana dakhliga dhaqaale ee dalkaasi uu ka helo lacagaha adag.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com