|

Kenya iyo Soomaaliya oo ku heshiiyay dib u celinta Qaxootiga Soomaalida

Nairobi Nov 11,2013(SDN)-Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa u gogol xaadhay sidii Qaxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya ku nool dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Heshiiskan oo ay Kenya u sexeexda wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Maxamed ayaa Soomaaliyana waxa u sexeexay dhigeeda Fawsiya Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxa sexeexa heshiiskan labada dal ku weheliyay Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga UNHCR.

“Waxaanu maanta najay dad aad u faraxsan in aanu aragno xerada qaxootiga ee dunida ugu balaaran oo si habsami leh dadkii ku jiray ay iskood ugu noqonayaan dalkoodii”sidaa waxaa yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto.

Wasriika arrimaha dibedda ee Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan ayaa dhankeeda ka balan qaaday in dawlada Soomaaliya oo kaashaneysa beesha caalamku ay gacan siin doonto qoxootiga dalkooda ku soo noqonaya.

“Qaxootiga maadaama dalka ilaa xad la nabadeeyay waxa loo baahan yahay in ay soo noqdaan oo dib u dhiska dalka ay ka qeyb qaataan:ayay tiri wasiir Fawsiya Xaaaji Aadan.

Kenya ayaa mudo labaatan sanadood ka badan xeryeheeda qaxootiga waxa ku jiray in ka badan million ruux oo Soomaali ah oo dalka isaga cararay colaadihii kala duwanaa ee xilgaa dalka soo maray.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed