Kenya Iyo Somalia Oo Guda Galaya Tallaabooyin Oo Lagaga Hortagayo Dhaqdhaqaaqyada Shabaabku Labada Dal Ugu Kala Gudbaan
Nairobi:June,20,2014(SDN/QJ)-Wargeyska Daily Nation eek a soo baxa Dalka Kenya ayaa saaka daabacay warar sheegaya in Somalia Kenya iska kaashan doonaan Arrimaha Sirdoonka la xidhiidha.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in wada shaqeynta dhanka Sirdoonka, ay sahli karto in Dowlada Kenya ay ka hortagto ama ka gaashaamato in ay Kooxda Ashabaab hesho fursado ay u kala gooshto labada wadan ee geeska Africa ku yaala.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Heshiiskan Sirdoonka ay iska kashanayaan labada wadan ee Soomaliya iyo Kenya uu imanayo kadib markii ay kulamo wada qaateen Ra’isulwasaaraha DFS iyo Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Willim Rutto.
Nuqul kamid ah Qoraalka ayaa waxa uu u qornaa “ Waxaan isku afgaranay in Soomaaliya iyo Kenya ay si dhow iskala shaqeeyaan arimaha Sirdoonka, waayoo waxaana nahay laba dal oo isku baahan hadana daris ah’’ Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Willim Rutto oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dhanka akle, Heshiiska dhanka Sirdoonka ku aadan ee ay kala saxeexdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya aya imanaya xili maalmihii aynu ka soo gudubnay weeraro ay ku dhinteen ku dhawaad 80 ruux ay ka dhaceen Degaanadda loo dalxiiska tago ee dhacda Jaziirada lamu ee dalka Kenya.
SDN/QJ.