|

Kenya iyo Britain Oo Isku Maandhaafsan Heshiisyo dhexyaallay oo Lagu tababarayo Kumanaan Ka Tirsan Ciidamada Ingiriiska

Nairobi:June,28,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf cakiran oo dhedyaalla dalalka Kenya iyo Britain, kaas oo salka ku haya Digniino dhinaca ammaanka ah oo dhawaan Britain soo saartay.

bri keMurankan oo ah mid diblomaasiyadeed, ayaa keenay in in ka badan 1000 askari oo ka tirsan ciidamada dalkaasi britain ay ku xayirmaan magaalada  nairobi .

Dowlada Kenya ayaa sida la sheegay diiday in ay saxeexdo heshiis ogolaanaya in askar badan oo ka socota Britain lagu tababaro nanyuki ka dib markii waqtiga heshiiskii hore uu dhacay .

Murankani ayaa waxa lalla xidhiidhinayaa digniinadii dhanka safarrada ee ay dowlada britain dhawaan soo saartay .

Ila wareedyo laga helayo saraakiisha dowlada ayaa sheegay in dowlada Kenya ay dalbatay in Britain ay marka hore ka noqoto digniinta dhanka safarada ka hor inta aan loo ogolaan in cutubyo british ah lagu tababaro dalkani Kenya .

Ciidamadani kor u dhaafaya 1000 ayaa waxa qorshuhu ahaa in ay badalaan askar biritish ah oo tababar 60 bilood ah ku dhamaysatay dalkani Kenya .

Sanad waliba dowlada Britain ayaa waxa ay Kenya u soo dirtaa ciidamo dhan 9000 kuwaasi oo ku tababarta saldhigyo ku yaala Laikipia iyo Samburu .

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed