|

Kenya beenisay in Ciidankeeda ku Sugan Kismanyo ay u Sahlaan Soo dhoofinta dhuxusha

Kismaanyo 16.July (SDN) Dowladda Kenya ayaa beenisay in ciidankeeda Kismayo ku sugan ay fududeyeen dhoofinta sharci daradda ah ee dhuxusha oo ay Qaramada Midoobay maamnuucday February,2012.

Reuters ayaa soo daabacday warbixin ay kooxda Qaramada Midoodabay u qaabilsan dabagalka cunaqabadaynta ka diyaarisay ciidanka Kenya oo sheegtay inay fududeyeen dhoofinta dhuxusha horey loo mamnuucay.

Dhuxusha Kismayo ayaa la joojiyay ka dib markii la arkay inay dhaqaale badan soo geliso kooxda Al-shabaab ,waxana UN ku qiyaastay lacagati ka soo xerootay 2011 in ka badan $25M.

Ciidanka Kenya oo kaashanaya kuwa Somalida ayaa October,2012 ka qabsaday Al-shabaab magaalada Kismayo ,ka dibna shirweyne lagu qabtay ayaa 15 May,2013 Madaxweyne loogu doortay Shiikh Axmed Madoobe.

DF iyo Kenya ayaa ku kal aragti duwan maamulka Jubaland ,xili dhowaan ay soo baxday warqad DF ay Midowga Afrika uga dacwoonayso ciidanka Kenya ee ku sugan Jubooyinka.

 

Xaalada magaalada Kismayo ayaa ah mid degan ka dib dhamaadkii June,2013 dagaalo ka dhacay ,waxana gebi ahaanba uu gacanta ku dhigay ciidanka Jubaland amaank magaalada.

Kismaanyo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed