Keenya oo burburineysa ilaa 2000 oo gaari,maxey tahay sababtu?
Mombasa Mar 13,2014(SDN)-Dawlada dalka Kenya ayaa shaacisay in ay burburineyso gawaari tiradooda ay ku sheegeen ilaa 2000 oo gaari.
Kenya ayaa ah goob gawaarida ugu badani ay uga yimaadaan dalka Japan oo laga isticmaalo gawaarida bidixda laga wado.
Kenya ayaa sheegatay in gawaaridan la qabtay ka dib kolkii la xaqiijiyay in aaney gudbin shuruudaha gawaarida dalkaasi lagu wadan karo.
Gawaaridan 2000 ayaa qiimahoodu yahay ilaa 4bn Kenyan shillings (£27.8m; $46.2m) isla markaana waxa lagu qabtay magaalada dekeda ah ee Mombasa.
Kenya ayaa leh shirkad Japan ugu fadhida eegida gawaarida dalkooda loo dhoofiyo.
Gawaaridan ay dawlada Kenya Burburineyso ayaa waxyaabaha loo qabtay waxa kale oo ka mida in ay jiraan in ka badan 8 sanadood.
Shirkadaha gawaarida ee dalka Japan ayaa sanadkii ina dhaafay waxa Kenya ay geeyeen 52,000 oo gaari.
SDN-Mombasa