|

Kay oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti kana hadlay Maamul u Sameynta Jubooyinka

Jabuuti June 16,2013(SDN)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicolas Kay ayaa maanta booqday dalka Jamhuuriyada Jabuuti lana kulmay madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii loo hirgelin lahaa xafiiska UNSOM ee QM u wakiilatay arimaha Soomaaliya.

Labada Masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii gacan buuxda loogu fidin lahaa dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka labada masuul dabadii ayuu Ergeyga QM la hadlay saxaafada waxaanu sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadlee.

Mar uu ka hadlay khilaafka ka taagan maamul u sameynta gobolada dalka Ergeygu waxa uu sheegay in qorshaha maamul u sameynta loo daba joogsan doono dawlada Soomaaliya.

Ergeygu waxa uu intaa ku daray in ay madaxweynaha Jabuuti iyo isaguba ay u arkaan in dawlada dalka loo daayo nidaamka maamul daadejinta Soomaaliya.

Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa booqanaya Jabuuti markii u horeysay intii xilkan loo dhiibay dhawaanta.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed