Kaniisadaha Masar oo Gubanaya iyo sababaha loo aaneynayo
Qahira Aug 16,2013(SDN)-Kaniisadaha ay ku cibaadeystaan dadka aaminsan madhabta Coptiga loo yaqaano ee dalka Masar oo qaar badan oo ka mid ah ay gubanyaan.
Rabshadaha Masar ka socda maalmahan u danbeeyay ayaa si weyn u saameeyay kooxaha Masiixiga ah ee dalkaasi.
colaadahan soo wejahay Macbedyada Masiixiyiinta Masar ayaa ku soo beegmay ka dib kolkii Hogaamiyaha Coptiga Masar uu soo dhaweeyay afganbigii madaxweyne Morsi.
Waxa ay dawlada Masar shaacisay in in ka badan 30 kaniisadood oo ku yaal magaalooyinka ay Islamiyiintu ku xooga badan yihiin ee dalkaasi.
Xisbiga Ikhwaanka ayaa dafiray in ay wax lug ah ku leeyihiin dhacdooyinkan lagu gubay kaniisadaha.
Dalka Masar ayaa galay xili qalalse faraha ka sii baxaya hadaan degdeg loo faro gelin xaalada.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com