|

Kampala: Booliska oo xabsiga dhigay nin Argagixiso lala xidhiidhay oo ay magaciisa shaaciyeen, baaqna u jeediyay dadweynaha

Kampala 04, June 2012 (Qurbejoog.com/Ugpulse)- Ciidanka amaanka ee dalka Uganda, ayaa xabsiga dhigay nin falal Argagixisonimo looga shakiyay.

Sida uu qoray website-ka Ugpulse, ninkan falalka Argagixiso lala xidhiidhiyay waxa magaciisa lagu soo koobay Xuseen in la yidhaahdo.

Hussein waxa uu ka mid yahay saddex nin oo falal Argagixiso looga shakisan yahay oo laga doonayo dalalka Bariga Afrika.

Kuxigeenka afhayeenka Booliska Uganda, Judith Nabakooba, ninkan la xidhay ee Xuseen iyo laba kale oo Argagixiso ah, ayaa dhanka xuduudka ee Busia iyo xuduudo kale ka galay dalkaas, iyadoo qorshahoodu yahay sidii ay Uganda ugu waxyeelayn lahaayeen doorkeeda Soomaaliya.

Boolisku waxay todobaadkii hore daabaceen sawirada mid ka mid ah saddexdaas nin oo basaska Kalita dhanka xuduudka Busia kaga soo galay dalka Uganda.

Mr. Nabakooba ma bixin wax xog ah oo dheeraad ah oo ku saabsan ninka la qabtay, maadaama ay arrintu tahay mid xasaasiyad leh.

Madaxa Booliska qaybta la-dagaalanka Mr. John Ndugutse, waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay feejignaadaan, soona gudbiyaan xogta dadka ay ka shakiyaan ee bulshada dhexdeeda.

Qurbejoog.com, Kampala

Comments are closed