Kamaradaha Qarsoon ee Huteel Makah Al-mukarama Oo Qabtay Dad Loooga Shakisan yahay Qaraxii Halkaas Ka Dhacay Iyo Ciidanka Ammaanka Oo Qaatay Muuqalladii
Muqdisho:17-March-2014 (SDN)-Agabka (CCTV) ku Rakkiban Huteelka Makah al Mukarama ee Dorraad Qaraxu ka Dhacay, ayaa laga Dhex Arkay Dhaqdhaqaaqyada Dadkii ka soo qaybgalay Munaasibaddii Goobta ka socotay ee Qaraxa Loola jeeday, waxana Muuqaalkii la wareegay Ciidanka Ammaanka ee Gobolka Banaadir.
Muuqaalladda dadkii ka dambeeyey qaraxaasi, xilligii ay soo galeen goobta gaadiidka la dhigto, nooca uu yahay gaadhi loo adeegsaday qaraxaasi iyo faahfaahino kale ayaa laga helay Muuqaalladdii ay sida qarsoodiga u duubeen Kaamerooyinka CCTV-ga, taas ayaana Keentay in Ciidanka ammaanku Qaataan muuqaalladaas.
Arrintan ayaa Caddayn u ah in Hay’adaha Ammaanku ay Si fudud u heli karaan Ciddii ka dambaysay Weerarkaas iyo Ciddii waliba Gaadhiga Goobta Dhigtay.
Waxaa si gaar ah muuqaallada ay u qabteen nin iyo haweeney si gaar ah looga shakisan yahay, kuwaas oo Loo malaynayo inay ahaayeen Maskaxda Qaraxaas ka dambaysay, waxana la wadaa dabagalkooda.
Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed, ayaa sabtidii ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan nin la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa Kooxihii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama, gaar ahaan qeybta la dhigto gaadiidka.
Si kastaba ha ahaatee, Kameerooyinka loo yaqaano CCTV ee inta badan lagu rakibo Dhismooyinka muhiimka sida Hoteelladda, Xafiisyadda, Bangiyadda iyo goobaha kale ee ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaa waxaa si joogto ah lagala socon karaa dhaqdhaqaaqyadda ka socda hareeraha Dhismayaashaasi.
Haddii ay Arrintanu Guulaysato, waxa ay tani fududayn Doontaa in Ciidanka Ammaanku ay si Hoose kamaradahan oo kale ugu rakibaan Goobaha Muhiimka ah ee qaraxyada lagu Aaso.
S.D.N