Kaluumeysatada Soomaalida oo ka cabtay Duqeymaha Duyuuradaha Reer Yurub
Haradheere May 19,2012(SDN)-Kaluumeysatada ku nool xeebaha dhawaanta ay duqeeyeen ciidamda Cirka ee reer Yurub ayaa maanta ka hadlay khatarta ay hawlgaladu u leeyihiin nololmaalmeedkooda.
Kaluumeysatada ayaa mar ay saxaafada kula hadleen Xaradheere waxa ay sheegeen in duqeymihii ciidamadu dhawaanta u geysteen xeebaha Xandulle ay ku burburiyeen doonyahoodii.
“Burcada iyo Kaluumeysatada waa ay adag tahay in la kala saaro,waa isku muuqaa waxaana sidaana isku doonyo inaga iyo Burcada”ayuu yidhi Maxamed Xasan oo Kaluumeysatada.
Maxamed waxa uu intaa raaciyay in uu ka walaacsan yahay in ay dhimasho iyo dhaawacba uu Kaluumeysatada ka soo gaadho weerarada.
Kaahin Cabdiraxman oo isna ka mid ah Kaluumeysatada ayaa sheegay in duqeynta ay dhaami laheyd in ciidamadu beriga yimaadaan oo burcada qabqabtaan.
Reer Yurub ayaa ilaa 2008dii la dagaalamayay burcada badeeda Soomaalida balse haatan uun bilaabay in ay xeebaha duqeeyaan.
SDN-Xaradheere