Kallahaadii Maayarka Soltelco ee Aqalka Suldaan Maxamed iyo Jawaabtii Degdegga ahayd ee Boqor Raabi La Siiyey
Hargeysa:06-April-2014(SDN)-Waxa Maalintii shalay Aqalka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Kulan Albaabadu u Xidhan yihiin ku Yeeshay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo Waliba Suldaanka Laftiisa.
Kulankan oo abbaaro 12:00-Duhurnimo Halkaas ku qabsoomay, ayaa ahaa mid ay Saxaafaddu Dibadda ka joogtay, iyadoo uu Maayar Soltelco mar kaliya si kedis ah u soo Galay Aqalka Suldaanka.
Ka hor intii aanu Maayarku imanin Aqalka Suldaanka, ayaa waxa soo Baxay warar sheegaya inuu Suldaanku qabanayo Shir jaraa’id oo uu saxaafadda kula Hadlayo, taas oo keentay in Koox Suxufiyiin ah oo Qurbjeeg.com ka mid tahay ay Gaadhaan Aqalka Suldaanka, waxana Halkaas lagu arkay Maayarka Caasimadda oo Suldaanka ay Qol Hoosta iskaga soo Xidheen.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa meesha la iskaga Yidhi, isla-markaana Saxaafaddii Goobta joogtay amar lagu siiyey inaanay Ka Hadlin Imaanshiyaha Maayarka ee Aqalka Suldaanka, Haddana Wararka Qurbejoog.com Helayso, ayaa sheegaya innuu Maayar Soltelco u soo Kallahay sidii uu Suldaanka uga Dhaadhicin lahaa in Jawaab Degdeg ah la Siiyo Boqor Raabbi oo maalin ka hor duufaanno ku kiciyey Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Wararka aanu Hayno ayaa intas ku daraya in Maayar Soltelco ka hor intii aanu aqalka imanin uu Suldaanka Telefoon kula sii Hadlay, una sheegay inuu U jawaabo Boqorka tashuushka ku Furay Shaqada Golayaasha Deegaanka ee Hargeysa, balse uu Suldaan Maxamed si Gaar ah u dalbaday inay fadhi yeeshaan ka hor inta aanu Hadalka Saxaafadda Jeedinin.
Maayarka Caasimadda ayaa Suldaanka u sheegay inay Gole Deegaan ahaan si weyn uga xun yihiin Hadalka uu Boqor raabi kula kacay Shaqadooda, balse Suldaanka ayaa Maayarka ku qanciyey inuu Jeedin doono Hadal ka Dheereeya midkii Boqorka, iyadoo Taas Beddelkeedana Golaha Deegaanka ee Hargeysa ay Goluhu wada shaqayn dhaw la yeelan doonaan Suldaanka.
Suldkaanka ayaa isagu si degdeg ah ugu jawaabay Boqorka, waxana uu waliba Hadalkiisa ku daray Waxoogaa dheeraad ah oo uu ku weerarayo Shakhsiyadda Boqorka, taas oo muujinaysa in Maayarka si weyn u farogeliyey Jawaabta la siinayey Boqorka oo uu waliba Qaabka loo Hadlayo qaybtiisa ku lahaa.
Tallaabooyinka Noocan ah ee Shakhsiyaadka Magaca leh loogu adeegsanayo xubno ay isku Beel ka soo wada jeedaan, ayaa ah mid xukuumaddan Kulmiye lagu Bartay, waxana inta Badan ay ka Gubataa Xaqiiqooyinka la taabto.
Arrimaha Ugubka ah ee Xukuumaddan lagu arko ayaa wax aka mid ah in Masuuliyiinta qaranku ay Cidda ay doonayaan inay jawaabo Bixiyaan aqalladooda ugu tagaan, iyagoo Dayacaya Shaqadii qaranka iyo middii iyo Bulshada u Hayeenba.
Taariikhda Ma Guuraanka ah ayaa sheegi doonta Goobta ay ku Dambayn Doonta Dhaqanka dadka lagu kala Qoqobayo ee Dhexdooda cadaawadda la iskugu Beerayo, iyadoo inta Badan qof kasta oo wax sheegayaba loo Raadinayo mid kale oo u jawaaba.
Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa iyadu ah mid si weyn ugu duwan tii hore ee dadku wax ka sheegeedda badin jireen, waxase ay si ay eedahaas iskaga difaacdo samaysatay Kooxo Guulwadayaal ah oo jawaab ka Bixiya Cidkasta oo Boogaheeda damaqda.
Ilaa iyo Haatan Shacabka Caasimaddu ma hayaan wax tallaabo ah oo ay kaga Gam’aan Safafkii iyo dhibaatadii ay u mareen Doorashadii Golayashan Deegaanka ee Haatan Jooga, waxana ay Noqdeen Gole kaliya ka shaqeeya Dantiisa oo aan cid kale eegaynin.
S.D.N