|

Kala-fadhigii Wakiillada Somaliland Oo Maanta Dib U Furmaya Xilli Goluhu Kala Qaybsan Yahay iyo Xukuumadda Oo Il Gaar ah Ku Eegaysa

Hargeysa:Nov,08,2014(SDN/QJ)-Waxa Maanta ku Beegan Maalintii loo ballansanaa in dib loo furo Kalfadhiga Golaha Wakiillada somaliland oo Khilaaf Ba’ani soo kala dhex galay intii ay fasaxaas ku jireen.

???????????????????????????????Fadhiga ugu horreeya oo maanta loo  ballansan yahay inuu qabsoomo, ayaa waxa horyaalla Qoddoba si xoogan loogu muransan yahay, waxana Mudanayaasha Muxaafidka ah oo aqlabiyadda iska lihi doonayaan inay Guddoomiyaha ka yeedhsiiyaan inuu khalad  ku sameeyey Xeer ay hore u ansixiyeen, isla-markaana uu dib u saxay.

Kooxda Mucaaridka ah oo uu Guddoomiye cirro wato, ayaa iyaga qudhoodu wadata kaartooyin tiro badan, waxana ay doonayaan inay inay Golaha  Horkeenaan ansixinta Guddida Doorashooyinka oo iyagu hore ugu guuldarraystay inay helaan Fadhi Kooramkiisu buuxo oo Goluhu u dhan yahay si loo ansixiyo.

Xaraaradda Muranka ayaa maalmahan hoos u dhacday, waxana muxaafidka oo xukuumaddu hoosta ku wadataa suuqa soo geliyeen inuu Guddoomiye cirro dib u saxay Khaladaas  iyaga ku koobnaa oo ay tilmaameen inuu ku sameeyey Xeerkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo Guurtida Horyaalla.

Guddoomiye cirro ayaa isagu si cad u sheegay inaanu jirin wax xeer ah oo khalad galay oo dib ka saxay, waxana uu ku adkaysanayaa wali inuu Gudbiyey kaliya wixii Wakiiladu isku raaceen ee ay ansixiyeen.

Lama hubo inay maanta iman doonaan Guddida Doorashooyinka qaranku waxase xukuumaddu il gaar ah ku Haysaa Jawiga uu ku furmo Goluhu iyo sida xubnaha Muxaafidka u badan ee Goluhu Halkaas uga muujiyaan Wixii madaxtoyadu soo fartay oo ay ugu horrayso in la xannibo ansixinta Guddida Doorashooyinka qaranka oo marka Madaxweynaha laga yimaaddo dhammaan dadka Madaxtooyada joogaa aanay ogolayn inay ansaxaan.

Kooxda Guddoomiye cirro ayaa iyaga waxa ka Go’an inay Bulshada tusaan kaliya inaanay xukuumaddu diyaar u ahayn doorasho dhacdo, isla-markaana ay doonayaan in dib loo dhigo doorasho, maadaama duufaano Mucaaridnimo oo aan la qarin karini haatan ku kacsan yihiin Xukuumaddan Xilligeedu dhamaadka yahay.

Maalmahan waxa afarta koone ee dalka ka taagan mawjado mucaaradeed oo shacanka reer somaliland kaga cabanayaan tallaabooyin ay xukuumaddu dhawaanahan qaadaysay oo cabudhin iyo ku jiq sii ah, waxana xabsiyada lagu guray Boqolaal dhallinyaro ah oo siyaabo kala duwan loo eedeeyey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed