Kala-baydh: Gaadiid ay leedahay Shirkadda 571 oo Jaadkii saarnaa ku dul-gubtay iyo wararkii u dambeeyay ee muranka Cashuur-kordhin ay Xukuumadda Somaliland soo rogtay
Hargeysa 01, January 2013, (SDN)- Gaadiid ay leedahay shirkadda ugu wayn shirkaddaha Jaadka soo geliya Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Somalia ee la yidhaahdo Alla-aamin 571, ayaa galabta daadiyay Jaadkii saarnaa oo ku dul-gubtay, ka dib markii ay ilaa xalay ku xanibnaayeen Kastamka tuulada Kala-baydh oo u dhexaysa Wajaale iyo magaalada Gabiley.
Siday ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, gaadiidkan shirkadda 571 ee Ina-Afdiinle waxay Kastamka ugu xanibnaayeen ka dib markii ay Xukuumaddu kordhisay cashuurta laga qaado Jaadka.
Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadiid tiro badan oo ay leeyihiin shirkaddaha kala duwan ee Jaadka soo geliya magaalooyinka Somaliland ay ilaa saaka ku xanibnaayeen Kastamkaas, ka dib markii ay diideen inay aqbalaan wareegto Cashuur-kordhin ah oo uu soosaaray Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mr. Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Sida la sheegay, waxa ilaa 6 baabuur oo ay afar ka mid ah leedahay shirkadda ugu wayn kuwa Jaadka ka ganacsatada ee 571 ay Jaadkii ay sideen oo xaddigiisu badnaa ay galabta ku daadiyeen Kala-baydh, ka dib markii uu dushooda uu saarnaa ku gubtay. “Markii Jaadku ku dul-gubtay way daadiyeen, waxayna ku laabteen dhinaca Itoobiya,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka jaadka ka ganacsatada oo ka cudurdaartay in magaciisa la xuso. “Muranka Cashuurta la kordhiyay wuu taagan yahay, welina xal lagama gaadhin….Laakiin, shirkaddaha Jaadku way wadayaan shaqadooda, Cashuurtanina maaha mid ay aqbali karaan ama ay culayskeeda qaadi karaan,” ayuu u sheegay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com. “Waxaanu nahay Cashuur-biyaha koowaad ee dhaqaalaha dawladda Somaliland ku tiirsan yahay, Cashuur-kordhintanina maaha mid macquul ah,” ayuu masuulkaasi hadalkiisa raaciyay.
Baabuurta shirkadda 571 ee uu Jaadku ku dushooda ku gubtay markii lagu xanibay Kastamka Kala-baydh, waxay u socdeen magaalooyinka Burco, Laascaanood iyo magaalooyinka maamul-gobolleedka Puntland qaarkood.
Dhinaca kale, Wararka qaarkood waxay sheegeen in murankani dhaliyay in baabuur ay leedahay 571 oo tiradooda laba gaadhi lagu sheegay, ay maanta ka leexdeen Kastamka Kala-baydh, isla markaana ay dhinaca Koonfurta ka soo galeen magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu soo Cashuuray Kastamka degmada Baligubadle oo qiyaastii dhawr iyo konton Km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Hargeysa.
Cashuurta cusub ee lagu soo rogay Jaadka ee lagu kordhiyay Tacriifadii hore, waxa si aad ah maanta looga dareemay magaalooyinka waawayn ee Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco Berbera iyo kuwo kale.
Qurbejoog.com, Hargeysa