|

Kal fadhi aan Caadi ahayn oo Baarlamanka Somalia Yeeshay

Muqdisho 02.July (SDN)   Kalfadhiga aan caadiga aheyd ee mudanayaasha baarlamaanka ay maanta ku yeesheen magaalada muqdisho waxaa soo xaadiray 143 mudane ajandahuna waxa uu ahaa furitaanka kalfadhiga aan caadiga aheyn,

Mudane JeylaAni Nuur Iikar, Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo furitaanka kalfadhiga aan caadiga aheyn hadal kajeediyay ayaa tilmaamay inay wax lagu farxo tahay in xiligi uu fasaxa ahaa baarlamaanka ay galaan shaqo culus oo muhiim ah isagoo gudoomiyuhu farta ku fiiqay in dooda hindise sharciyadeedyada ay bilaaban doonto maalinta biri ah

Waa kalfadhigi ugu horeeyay ee aan caadi aheyn oo ay baarlamaanka soomaaliya yeeshaan waxaana isugu yeeray kulankan madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya si ay u dhameystiraan howlaha hindise sharciyadeedyada oo ay xukuumada usoo gudbisay si shacabka soomaliyeed loogu maamulo waxa ayna tilaabadan muujineysaa sida baarlamaanku ay ugu heelan yihiin howlaha sharci dajinta oo ay shacabka soomaaliyeed masuulka uga yihiin.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed