Barre Hiiraale Oo Gole Uu Guddoomiye u Yahay Oo Ka Dhan ah Axmed Madoobe Kaga Dhawaaqay Muqdisho
Muqdisho:12-March-2013(SDN)-Kulan Ballaadhan Oo Maalintii shalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiin ka soo Jeedda Gobolada Jubooyinka, ayaa lagu Magacaabay Gole lagaga soo Horjeedo Maamulka Axmed Madoobe.
Korneel Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) ayaa loogu doortay inuu yahay guddoomiyaha guddiga nabadda iyo midnimada ee Jubbooyinka oo ah Magaca loo Bixiyey Golahan.
Dhanka kale, Korneel Cabbaas Maxamed Cadow ayaa isna loo magacaabay guddoomiye xigeenka guddigaas.
Wax-garad iyo siyaasiyiin ku howlan nabadeynta Jubbooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka KMG ee Jubba aanu waxba ka qaban dhibaatada Kismaayo oo ay weli sii kordhayso.
Waxa ay ku eedeeyeen in hoggaamiye Axmed Madoobe maamulkiisa uu ka wado magaalada dhibaato iyo dil ku saleysan heyb sooc.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay u jeediyeen inay si cad ula xisaabtanto hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).
Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan isagu ka Hadlin wali Golahan cusub ee isaga lagaga soo Horjeedo ee lagu dhawaaqay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com