Kabtanka Xulka Zambiya Christopher Katonga oo Ku Guuleystey Abaalmarinta Ciyaaryahanka Afrika 2012.
Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku eegeynaa xiddiga reer Zambia ahna Kabtanka xulka qaranka Christopher Katonga ayaa ku guuleystey abaalmarinta ciyaaryahanka Afrika ee sannadkan 2012.
Xiddigan ayaa wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahano caan ah horeyna ugu guuleystey abaalmarintan waxaana ka mid ahaa Didier Drogba,Yaya Toure,Demba Ba,iyo Younes Belhanda waanu ka guuuleystey.
Akhyaartay liiskan waxaa ku soo farayareysta Khubaro xagga kubadda oo ka yimaada dalalka Afrika kuwaaso xulashadooda ka eega xag farsamo,ciyaar wanaag iyo ciyaar kooxeeka ciyaaryahanimo.
Haddaba xiddigan reer Zambiya kana soo haajirey Afrikada koonfureed ayaa wuxuu ahaa ciyaaryahankii u horseedey waddnkiisa Zambiya iney ku guuleystaan koobkii qaaradda Afrika ee soo gabagabooey.
Kontongo oo 30-0n jir aha ayaa hadda u ciyaara naadi ka tirsan naadiyada CHINA waxeyna ahayd tiradii u badneyd ee u codeysa %40,wuuna hambayo aan la soo koobi kareyn ka heley taageerayaashiisa iyo waddankiisaba.
Xiddigahan reer Zambia ee ku guuleystey Cup Of Nation isuna diyaarinaya koobka kubadda cagta ee aduunka ee ka dhicidoona waddanka Brazil ayaa ilaa iyo hadda maskaxdoodu ka faaruqeyn Shilkii diyaaradeed ee ay la socdeen xulkii Zambiya 1993.
W/Qorey Jaahuur
qurbejoog.com