Kabtanka Man United Rooney oo Seddex Ciyaarood La Ganaaxey Muxuuse Galabsadey? (By Jaahuur)
London-27-Sep-2014-(SDN/QJ) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula caraabeynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska oo aay ciyaar aad u xiisa aay dhex martey man united oo gabalkeedu dansayahy iyo West Ham.
Man United oo waayadan jab weyni ka soo gaadhey ciyaarihii aay soo ciyaareen ayaa u muuqata iney hurdada ka kaceen
Haddaba Kabtanka Man United oo markiisii horayba dabeecadda ka aradna ayaa kaadhka cas loo taagey markii uu haraantiyay Stewart Downing .
Rooney ayaa gool aad u qurxbadan kaga farxiyey kooxdiisa daqiiqadii 5aad, waxaana hogaanka u labeeyay Robin van Persie, iyadoo West Ham uu gool u soo celiyay Sakho. Laakiin ciyaarta ayaa isbedeshay markii ay saacad socotay iyadoo Rooney uu sameeyay wax aan maskax gal aheyn.
Kabtanka Man United oo maalin ka dib u dabaaldegi doona markii ugu horeysay ee uu u saftay United berrito ayaa xaga danbe ka haraantiyay Steward Downing iyadoo kubada aysan u dhaweyn.
Garsoore Lee Mason ayaanan ka labalabeynin inuu kaarka casaanka ah u taago 28 jirkaan oo markii ugu danbeysay ee uu casaan qaato sidoo kale ku qaatay haraanti aan loo meel dayin oo uu ku sameeyay xiddiga Montenegro Miodrag Dzudovic kulan heer caalami ahaa bishii Octoberi 2011, sidoo kalena waa markii ugu horeysay oo uu casaan ku qaato Premier League tan iyo bishii March 2009 kulan ay United la ciyaareysay Fulham.
Madaama uu Rooney kaar casaan toos ah qaatay waxa uu ganaax ku maqnaan doonaa seddex kulan waxaana uu seegi doonaa kulamada soo socda ee Everton iyo West Brom iyo kulanka ugu muhiimsan ee ay Old Trafford ku soo dhaweynayaan Chelsea.
Bal aynu aragno maqnaashaha Rooney sadexda kulan ee foodda ku soo haya Man United halka aay ky biyi shubanti,hadddii Alla ina gaadhsiiyo.
W/qorey Jaahuur.
SDN/QJ
jjaahuur@qurbejoog.com