|

KAAF IYO KALA-DHEERI: Xukuumadda Somaliland sideebay u kala Qiimaysay Prof Axmed I. Samater iyo Marxuum Axmed Aadan Qaybe

London Nov 30,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminaayo madaxweyne Siilaanyo ayaa ah Xukuumadii ugu horeysey ee Si aan lafileyn ukala qiimeysa Shaqsiyaad taariikh wacan kule Somalilnad iyo kuwo aan wax yeelo mooyee iyo mijo xaabinta Qaranka utaagnaa iyadoo kula kacdey wax aan laga fileyn oo ceeb ku ah qaranka iyo wax wada qeybsiga iyo tixgalinta Somaliland .

saqadhi qeybeProf-Samatar-300x225
Sanadii 2011 waxa magaalada Dubai ku geeriyoodey Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad marxuunka  ayaa daaweyn halkaas loo geeyey waxaana uu ku geeriyoodey cusbitaalkii lageeyey .Xukuumada Siilaanyo ayaa uquudhi waydey inay ka bixiso diyaaradii meydkiisa lagsoo qaadilahaa waxaana dhacdey in lagu aaso Dubai iyadoo arintani ah mid meel ka dhac ku ah qaranka soo jireenka ah ee Somaliland.
Gudoomiyii hore ee baarlamaanka Somaliland Marxuum Axmed Aadan Qeybe oo Mudo ku bukey magaalada hargeysa ayaa ahaa marxuun wax badan lagu soo xasuusto kana soo shaqeeyey qaranimada gooni isutaaga Somalilnad waxa uu mudo 8 sano ah ahaa gudoomiyii baarlamaanka waxa uu ahaa sadexdii nin ee qorey dastuurka Somaliland waxa uu ahaa nin ay ka dhabtey goosashada Somaliland mudadii uu bukey ayaa waxa asiibey xanuun la daweynkaro kaasi oo lacag looga baahnaa waxaanu warqad udirtey madaxweyne Siilaanyo waxa marxuunka looga baahnaa lacag dhan $10,000 balse madaxweynihii qaranka iyo xukuumadu waxay u direen $3000 waa lacag aan kafeyneyn caafimaadkiisa waxaanu marxuunku dib ugu celiyey madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa bishii May ee 2013 waxa uu gudi usaarey soo dhaweynta pro.Axmed Ismacil Samatar oo aan ogoleyn qadiyada gooni isutaaga somaliland heegana ugu jirey wax yeelaynta iyo liciifinta qaranka waxa loo sameeyey in diyaarad laga ga soo qaado magaalada Berbera ilaa Hargeysa waxaa lagu kharash gareeyey diyaarada kiradeedii  oo kaliaya $24000 iyo mudadii uu joogey oo ay ku baxdey Boqolaal kun oo dolar.
Sikastaba ha ahaatee waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku caanbaxaey in marka qofka magaca lihi dhinto ay usameeyaan wax ay ugu yeedhaan Aas qaran xaga uu saraakiishana xabaasha kaga daba geeyo darajada waana mid qalad ku ah qaranka iyo dowlada Somaliland.
Rasmimedia.net
London

Comments are closed