‘’Kaadhka Codbixinta qofku hadduu qaato wuxuu kor yeelayaa waa Kelimatu Shaydaan’’ Sheekh Shacbaan
Hargeysa, 1,5,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo maalinkii shalay ee taariikhdu ahayd 30 bisha March sanadka 2016 ay ka bilaabmatay diiwaangelinta codbixiyeyaashu magaalada Hargeysa iyo degmada Sallaxley ayaa waxa la sheegayaa in aanay diiwaangelinta degmooyinkaas ka bilaabmatay u socon qaabkii la rabay.
Diiwaangelintan ayaa waxa la sheegayaa in ay saameyn ku yeesheen qaar ka mid ah culimada magaalada Hargeysa oo mawduucii khubada jimcaha kusoo qaatay Diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo waxa diintu ka qabto.
Culimada khudbaddii jimcaha kaga hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa waxa ka mid ahaa Sheekh Axmed Cabdillaahi Aadam [Shacbaan] oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ah Khadiibka Masjidka AL-HUDA ee magaalada Hargeysa.
Sheekha ayaa waxa uu ka warramay ujeedada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo uu ku sheegay in ay ka mid tahay dimuqraadiyadda la doonayo in laga hirgaliyo Somaliland, isagoona tilmaamay in aanay diinta islaamka meelna kasoo galin diiwaagelinta iyo dimuqraadiyaduba.
Sheekh Axmed Cabdillaahi Aadam [Shacbaan] oo arrimahan ka hadlaya ayaa yidhi;
‘’Kaadhka Codbixinta qofku ha ogaado hadduu qaato wuxuu koryeelayaa waa Kelimatu Shaydaan, wuxuu hoos dhigayaa waa kelimatu ALLAAH waa qofkii qaatoow, waxaad tahay kuwa dimuqraadiyada bullaaliya ee kor u dallaca ee kobciya, markaa qaado ama ha qaadan’’ ayuu yidhi Sheekh Shacbaan
Dhanka kale, Hadalka Khudbadda Sheekha ayaa la sheegayaa in ay saameyn ku yeelatay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo marka aad tagto goobaha diiwaangelinta aanay ahayn kuwo mashquul badan oo ay yartahay tirade dadka iska diiwaangelinaysa.
Haddaba, Halkan hoose ka dhagayso Khudbadda uu Sheekh Shacbaan kaga hadlay Diiwaangelinta.