Ka hadalka Beesha Caalamka ee xiisada Somaliland oo lagu hungoobay
Hargeysa (QJ) – Saaxiibada Somaliland ee ka tirsan Beesha Caalamka ayaa war ka soo saaray mudahaaraadkii ay xisbiyada Mucaaridku shalay ka sameeyeen Hargeysa iyo khilaafka doorashooyinka jira.
Beesha caalmka ayaa u sheegtay dhinacya muranka siyaasadeed uu u dhexeeyo in ay is xakameeyaan.
“Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadeynta Somaliland waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee shalay, waxaana dhammaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka soo saartay.
Qoraalkaan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixnaa waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Maalinimadii shalay ayaa booliska Hargeysa xabad iyo jirdil isugu daray masuuliyiin ka tirsan axsaabta dalka iyo shacab si nebedgelyo ah ku marayay wadooyinka Hargeysa.