|

June: Bil la iska Tuuray Heeryadii Guumaysiga, Bil Midaw Dhashay, Bil Yididiilo amma Khasaare Dhalan Doono!!

Maanta waxay ku beegan sannad-guuradii 52aad ee ka soo wareegtay xornimadii 26 June, 1960 laga qaatay guumaystihii boqortooyada Ingiriiska, taas oo loo soo maray halgan iyo dhibaato aad u fara badan, isla markaana Wefti uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha u nariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal u ambabaxeen dalka Ingiriiska bishii February 1960, halkaas oo ay masuuliyiinta boqortooyadii Ingiriiska shir kula yeesheen si Somaliland xornimadeeda loo siiyo, waxaana arrintaas laga aqbalay 26 June.

Innaga oon ku dheeraanayn halganka dheer ee loo soo maray in la iska rido heeryadii guumaystaha, lana wada og yahay, ayaa afar maalmood oo Somaliland ahayd dawlad madax-bannaan, kadib waxa dhacay midawgii 1 July 1960, waqtigaas oo Soomaaliya xorniamadeedii ka qaadatay maxmiyadii Talyaaniga, waxaana halkaas la damcay in lagu abuuro dawlad Soomaali u dhan tahay, balse runtii ahayd waxyaabaha dhaliyey in Somaliland iyo Somaaliya sida fog u kala irdhoobaan.

 

Intii lagu jiray midawga waxa dhacay waxyaabo aad u dhib badan oo lagula kacay Somaliland oo iyada oo dawladda ku darsatay, isla markaana waxa lagula kacay dhib aad u xun oo xuquuqal insaanka iyo shuruucda caalamiga ah iyo kuwa islaamkaba ka baxsan, taas oo kaliftay in 18 May, 1991 Somaliland halgan dheer oo ay soo gashay ku guulaysato goonni-isu-taageeda.

 

Haddab, dawlad waxay ku dhawaaqi karta iyadoo la eegaayo shuruucda amma jaartarka qodobkiisa kowaad uu dhigaayo in dawlad iyo ummad ka tashan karaan ayahooda siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarkooda bulsho, sidoo kalena Charterka la yidhaa African Charter of Human’s and People’s Right uu dhigaayo qodobkiisa kowaad in ummad ka aayo ka tashigeeda ammma inay masayrkeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho aan waxba la iska waydiin karin, lana beddeli karin, xaqna u leeyihiin inay ka tashadaan.

 

Sidoo kale xeerarka iyo baaqyada caalamiga ah ee ay ka mid yihiin CCPR (Convention of Civil and Political Rights) iyo Universal Declaration of Human Rights ay dhigayaan in bulsho ku dhawaaqi karto aayo ka tashigeeda siyaasadeed (Self-determination) hadday ku dhacaan xad-gudubyo baahsan oo ka soo horjeeda xuquuqal-insaanka sida shacabka Somaliland ku dhacday.

 

Waxa kale oo Somaliland buuxay shuruudo dunidu isla taqaan amma runtii shuruucda caalamiga ah muran aan aad u badnayn ka taagnayn oo ah shuruudaha looga baahan yahay  qaranimada oo ah in dawladaasi leedahay bulsho degaan ah, xuduud qeexan, dawlad maamul awoodeed leh, in dawladaasi jaarkeeda iyo dalalka kaleba la geli karto heshiis dhaqaale iyo mid ganacsi iyo shuur kale oo waqtigan casriga ah lagu daray oo ah in dawladaxuquuqaha bani’aadamka.

 

Sidaa darteed, akhtiristayaal dhawaan waxa sidoo kale magaalada London ee dalka Ingiriiska duleedkeeda heshiisyo siddeed qodob ka kooban oo run ahaantii muhiim ah ku wada galay weftiyo min shan xubnood ka kooban oo ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo horseedi kara in Somaliland qaranimadeeda la aqoonsado amma in madaxdeedu duleeyaan.

 

Bishan waa bil la iska tuuray guumaysi, lana midoobay Soomaaliya, lagana gu’i karo amma la isku dulayn karo!

Comments are closed