Jubooyinka iyo dawlada Soomaaliya maxaa kala heysta?
Kismaayo Nov 10,2012(SDN)-Waxa shalay ka dhacay qaar ka mida degaanada Jubooyinka iyo Gedo isu soo baxyo lagu muujinayo diidmo ay dadka degaanadaa qaar ka mid ahi ka qabaan qorshe ay dawlada dhexe ee Soomaaliya maamul ugu magacaabeyso.
Dadka degaanadaa ayaa sheegaya in gobolada qaar dhawaan laga saaray kooxda Shabaab in loo ogolaaday in ay maamulo iyagu sameystaan,halka iyaga la doonayo in mid Muqdisho looga soo magacaabo.
Degaanada doodahani ka taagan yihiin waxa dhawaan xoreeyay ciidamo iskaashaday oo ka kooban qaar ka socda dalka Kiinya iyo kuwo Soomaaliya oo Raaskaanbooni u badan.
Mana ay jirin qorshe muuqda oo dawladu ay u dhigtay xoreynta Kismaayo oo kale,waxa la yeelayo kolka degaanada lala wareego.
Ma cada oo kale doorka iyo sharciyada ay ciidamada Kiinya ku joogaan Soomaaliya.
In kasta oo kal dalnbe la sheegay in ay ku biireen ciidamada midawga Africa ee AMISOM,mase cada in ay si toosa u hoos tagaan hogaanka ciidamada Africa.
Waxa muuqda in xaalka Jubooyinku yahay jaantaa rogan iyo cidii roon reerka ha u harto,waana ayaan daro ay ka dhalan karto dhibaato aan hada la saadaalin karin baaxadeeda.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com