Jubaland oo shaacisay jedwelka doorashooyinka
Kismaayo November 17, 2024 (QJ) Guddiga doorashada Jubaland ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay jadwalka iyo qaabka ay u dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Jubaland.
Guddiga ayaa sheegay in 18-ka ilaa 19-ka bishan November la soo saari doono liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubaland, halka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland la qaban doono 21-ka bishan.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha la qaban doono 21-ka illaa 23-ka bishan, iyadoo doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 25-ka bishan November, sida ku cad jadwalka uu guddiga soo saaray.
Sidoo kale guddiga ayaa soo bandhigay nidaamka iyo shuruudaha lagu soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha Jubaland, iyagoo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay u dhaceyso doorashada.