|

Jubaland oo ka hortimi in ciidamada Itoobiya laa saaro Soomaaliya

Muqdisho June 03, 2024(QJ)-Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in go’aanka Dowladda Federaalka ay ku sheegtay in Ciidamada Itoobiya dalka looga saarayo uu ka dhigan yahay xaalad adag.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan Muqdisho, wuxuu xusay in cidda keliya ee ka faa’iidaysanaysa tallaabadan ay tahay Al-Shabaab.

Sidoo kale, Xasan C/qaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa isna shalay sheegay in haddii ciidamo shisheeye ay joogayaan Soomaaliya ay door bidayaan, isla markaana ay bogaadinayaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa horay u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay doonayso in dhammaan Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka la soo gaba-gabeeyo howlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali waxa uu sidoo kale tilmaamay inay jiri doonaan ciidamo ka socda dalalka ATMIS haatan ka tirsan, kuwaasi oo doorkooda sugida amniga sii wadan doona wixii ka dambeeya Janaayo 2025-ka, inkastoo aan weli la magacaabin.

Comments are closed