Jubada Dhexe oo la Xidhay Xarumihii Shirkada Dahabshiil ku lahayd
Muqdisho 12.July 2014 (SDN/QJ)- Maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada dhexe ayaa amar ku bixisay in la xiro qaar ka tirsan xarumaha shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil ay ku leedahay gobolka Jubbada dhexe.
Goob joogayaal ayaa sheegay in malleeshiyadu ay xirtay xafiisyada Dahabshiil ee Bu’aale, Saakoow, Salagle, Jilib iyo deegaanno kale oo ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Wararka ayaa intaas ku daraya in horjoogaha malleeshiyada ee Jubbada dhexe, Cabdiraxmaan Xudeyfa uu amray xiridda xafiisyada, kaddib markii ay shirkaddu bixin weydey lacag ay malleeshiyadu ku sheegtay Sako oo ay ku amartay inay bixiso.
Mas’uuliyiinta Dahabshiil ee Jubbada dhexe ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan xiridda xafiisyadooda.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com