|

JOOJINTA JAADKA EE UK: Naruuro Nololeed oo Cusub

Dawladda Boqortooyada Britain oo maanta go’aansatay,  si kama dambays ah, in jaadka laga joojiyo dhulkeeda. Wax loo shan-tiriyo  ba, wax laga dhur-sugo ba, wax hooyooyinka Soomaaliyeed ee UK ku dhaqani  ay kor iyo hoos u ooyaan ba, maanta ayaa warkii yimid. Waxa la go’aamiyay  inuu yahay jaadku daroogo darajada ‘C’, ayna tahay in la mamnuuco.  Waxay tahay, dhab ahaan, inay dadka Soomaaliyeed ee dhulkan ku dhaqani  warkan u dabaal dagaan.

 

– Waa geed qadoodi iyo na baday, qaab gabawsho ah’e.

– Waa geed ilkihii naga qubay, oo qoomay ciridkiiye.

– Waa geed ku wada qoofala, oo qoobka kaa xidha’e.

– Waa geed qabshaash nagu dilay iyo, walax qashaabuure.

– Waa geed cimriga soo qadima, qaamudkii galine.

– Waa geed qushuucdii hamiyo, qoyska dhaawacay.

– Waa geed qofkii qabatimaa, sharaf ka quustaaye.  (Macalin Gaaxnuug)

 

 

 

Jaadka in la joojinaayo warka ku saabsani saaka ayuu  ku soo baxay bogaga wararka ee BBC da midkood, laakiin xansi buu ahaa  ee war rasmi ah ma ahayn. Kolkii aan warka maqlay baan la hadlay af-hayeenka  Wasaaradda Daakhiliga, waxaanay ii sheegtay in war rasmi ah imika uun  la soo saaray oo baarlamaanka laga hor akhriyay, website kooda na la  galiyay. Aqalka Wakiiladda ee House of Commons loo yaqaano waxa warkan  ka hor akhriday Theresa May oo ah Wasiiradda Daakhiliga; Lord Taylor oo  ka yimaada Holbeach na wuxu ka akhriyay aqalka House of Lords ka ee odayaasha.  Warka waxa lagu bilaabay fariin cadaan ah, waxaana lagu soo khatimay  fariin kale oo cadaan ah. – “The government will control khat under  the Misuse of Drugs Act 1971 as a Class C drug. – Dawladdu waxay joojinaysaa  jaadka iyadoo lagu daraayo daroogooyinka darajada ‘C’, waxaana lagula  tacaalayaa sharciga si-xun u adeegsiga daroogooyinka ee 1971. Waxaana  lagu soo gabagabeeyay, “The government will ban khat so that we  can protect vulnerable members of our communities and send a clear message  to our international partners and khat smugglers that the UK is serious  about stopping the illegal trafficking of khat.” – Dawladu waxay  mamnuucaysaa jaadka si ay u ilaaliso dadka nugul ee ka mid ah bulshada  wadankan, iyo si ay fariin cad ugu dirto wadamada caalamka ee kale iyo  kuwa qaadka kootarabaaniya, una sheegto inay dhab ka tahay joojinta  ka ganacsiga sharci-darada ah ee jaadku.”

 

Si kastaba, warbixinta dawladda ee maanta laguma sheegin  goorta uu go’aankanu dhaqan-galaayo, waxaanan taas su’aalay af-hayeenka  Wasaaradda Daakhiliga. waxay igu tidhi, “Baarlamaanka ayaa la marsiinayaa,  waxaana magaca jaadka lagu darayaa liiska noocyada kala duwan, ee daroogooyinka  ah, ee sharciga 1971 lagula tacaalo, ka dib na sidaas buu dhaqan gal  ku noqon doonaa.” Waxay tanu u tahay rajo iyo naruuro boqolaal  kun oo qof oo Soomaaliyeed, oo haween, caruur iyo ciroole intaba isugu  jira. Waxay naruuro daro u tahay in yar oo dhaqaale ka soo gali jiray,  oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn wixii ku baab’aaya. Maxaa hooyo  iyo odaygeedii is waayay; maxaa wiil iyo waalidkii is waayay; maxaa  wiil dhalin yaro ah, oo rajo badan laga qabay geedkaas u go’ay oo  gidaar ilkuhu kaga dhamaadeen; maxaa… maxaa… maxaa….!

 

Waxan si dhab ah ugu hambalyaynayaa Dawladda UK, dadkii  Soomaaliyeed ee mudada dheer aanu u wada halgamaynay joojinta jaadka  oo uu hormuud u yahay Abuukrar Cawaale oo aan tel ka na kula hadlay,  iyo hooyooyinkii tirada badnaa ee mudaharaadada nagala qayb galay, oo  ay ugu horeyaan kuwa magaalada Sheffield ee aan degenahay.

 

Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

 

 

 

– Waa baa baryay, Bilic san.

– Arooryo baxsan, maalin boqran.

– Kuwii bilaabee, dabkan baxaaya, belelinaayay, waa  baayahooda.

– Kuwii ka baydhee, dabkan baxaaya, boqonta gooyay,  waa baabaooda.

 

Comments are closed