JIRRIQAAGA MADOOBAA Q/3AAD: (TALOXUMIDA JIRRIQAAGA)
Sidiisaba jirriqaagu waa ka guri dhisan Udub dhexaadka ka cuna, waxa Illaahay abuuray dunidana waxay u kala baxaan uun Qaar wax cuna iyo Qaar wax dhisa. Jirriqaagu wuxuu safka hore kaga jiraa kuwa wax cuna. Udub dhexaadkii dalka iyagaa cunay imikana cunaya. Xisbigii UDUB wax badani haka khaldanaadaan laakiin wuxuu ahaa mid umadda Somaliland kuwada jirto, oo uu inooga tagay Mweyne Cigaal, jirriqaa baana cunay.
Tusaale ahaan: markabkii weynaa ee raashinka mucaawimadda umada Somaliland dibeda looga keenay halkuu maray, yaase cunay. Aakhirkii wuxuu ku danbeeyey qisadii ahayd: (Juba yaa gubay).
Dhinaca kale bulshada ku dhaqan gobolka Awdal, waxaan xaalka siinayaa taladii jirriqaaga ee ninka qurbo jooga ah inta casuumadda loogu sameeyey la yidhi waa M/weynihii Awdal. Mar haddii Awdal arintaa ka gilgilanweydey anigaa xaalka siinaya inkasta oo ay ka aamuseen. Waxaanan leeyahay arintaasi waxay ahayd Talo Jirriqaa ee reer Awdal xaal haka qaataan.
Tusaale kale: wadadii hor maraysay aqalka uu M/weynuhu geli jiray ilaa imikana uu leeyahay ee u dhow Gurigii Martida (State House), biriishkii yaraa e ka gudbi jiray dariiqaas oo maanta go’ay, gudaafad iyo qashin is tuulay baana gooyey. Wax talaabo ahna kamay qaadin, aqalka dalka looga taliyana kama foga, masaakiintii yaryareyd ee mari jirteyna maanta waxay ka soo wareegaan kilometer aad ugu fog. Ma kuwa intaa yar bulshada ka dabooli waayeybaa la odhan karaa waxay dhisayaan wado ilaa ceerigaabo tagaysa.
Arinta aadka u layaabka badan, ee inoogu filan tusaalaha xukuumadan, waxay tahay marka ay bulsho kamid ah dadka ay xilka u hayaan ee ay masiibo ku timaado, waxay odhanayaan: “meel heblaayo intaas baan ugu deeqqay, wadadaasi intaasaanu ugu deeqnay”. Waxan ay ku deeqayaan halkay ka keeneen. Ma iyagaa lahaa. Dadka garashadoodu caynkaas tahay ee u fikiraya sidaa, ee leh, deeq ku sheegaya waajibaadkii ummadda ka saarnaa, waxaan leeyahay waxay ku shaqaynayaan waa talo wax cunitaan.
Dadweynaha waxaan weydiinayaa waa imisa ardayda dugsiyada iyo lacagta laga gurayaa, waa imisa shaqaalaha dawaladu, ciidamadu iyo cidkasta oo lacag laga qaadayaa iyadoo lagushubayo account Zaad ee uu leeyahay shakhsi gaar ahi. Guurti iyo Wakiilo dhamaan Baarlamaanka waxaanu leenahay arimahaasi ka hadla iyo accountka zaadka shakhsiyaadka lacagaha loogu shubayo. Waxaanan ku tilmaami karaa mashruucii Jiif-oo-Jaq oo kale, waana mashruuca JiifooJaqda Jirriqaaga Wadooyinka.
Tallo-Soo-Jeedin:
Ugu danbeyn waxaan talo ku soo jeedinayaa arimahan:
Golaha Wakiilada waxaan filayaa inay gudan yihiin maanta, sidaa awgeed, waxaan ugu baaqayaa inay saddex xeer dib uga faaloodaan oo ay soo celiyaan. Saddexdaas xeer oo Golahaasi ka gudbey wakhtigii ay Jirriqaaga ahaayeen. Saddexdaa xeer waxay kala yihiin:
1. Wadahadalka lala yeelanayo Soomaaliya iyo Xamar, in xeerkaasi dib loo soo celiyo oo Golaha Wakiiladu dib uga faaloodaan waxna ka bedelaan xeerkaasi. Waana in xeerkaasi qodobadiisa dib loogu noqdo lana waafajiyo nidaam wanaagsan oo shuruudo ku xidhaya cida ina metalaysa iyo shuruudaha laga hadlayaa waxay noqonayaan in xeerkaasi lagu gooyo. Oo aan kolba inan yar oo wasiir ahi qodobo ajenda ah iska diyaarsan ee ay noqdaana wax shuruudo sharci cad lagu gooyey.
2. Xeerka Cashuurta Wadooyinka ee uu wasiir Xirsi golaha horkeenay. Kaana in dib loogu noqdaa, oo wax kabedal lagu sameeyo. Wasiir aan ahayn ka maaliyaddana laga yeelin inuu xeer maaliyadeed ka hadlo. Maaliyaddana waa in xeer adag loo sameeyo, oo aan kolba inan yar oo kiish madhan sitaa aanuu kolba xeer lacag lagu guranayo hor keenin golaha.
3. Xeerka Lacag Ururinta Madaarada ee uu keensaday wasiirka Duulista Hawaddu. Waa in xeerkaas dib loogu noqdaa oo waxkabedal lagu sameeyo. Xeerkaasina la hoos keeno wasaarada maaliyadda. Wixii maaliyad ahna waa in wasaarada u xilsaaran ee maaliyadda uun lagalala xisaabtamaa, oo aan cid kale loo oggolaan maaliyad ururin iyo xeer ay soo diyaarsato oo maaliyadeed toona aan laga yeelin.
Dhinaca kale Golaha Guurtidu waxay lamid noqdeen inantii yarayd ee Carays Ciise markuu heesayo, ka hoos odhan jirtey: “haa-heey, runtaaa”. Markaa waxaan leeyahay haaheeyda aad ka daba odhanaysaan xukuumadda ka waantowdaan. Inamada yaryar ee dhaxalka u helaya kursigana waa in laga waantoobo oo goluhu noqdo Gole odayeed ee aannuu noqon Gole Ciyaal. Dadweynuhuna way idin eegayaanne la socda.
Siyaad C/laahi Digaalle
Hargeisa, Somaliland
Phone: 063-4355555
Email: siyaaddigaale@hotmail.com