Jilaaga Soomaaliyeed ee Cabdi Barkhad oo ka mid noqday Actaro u tartamaya Abaal marin muhiima
Minneapolis Dec 12,2013(SDN)-Cabdi Barkhad oo ka mid ahaa dhalintii jilaayada aheyd ee metelay Filmkii Captain Phillips ayaa lagu daray dhawr Actor oo u tartamaya abaalmarin muhiima.
Screen Actors Guild ayaa shaacisay in Cabdi Barkhad ka mid yahay dhawr jilaa oo u tartamaya mid ka mida abaal marintooda oo uu ku muteystay metelaada mid ka mida Burcad badeed Soomaaliyeed oo afduubay markab Mareykanka laga leeyahay.
“Ma garanayo si aan ugu abaal gudo,waa ay i sharfeen mana aan fileyn balse aad ayaan ugu farxay”ayuu yiri Cabdi Barkhad mar uu ka hadlay in tartanka uu ka mid yahay.
Cabdi Barkhad iyo sadex jilaa oo kale oo Soomaali ah oo ku jiray filmkii Captain Phillips ayaa gidigood laga xushay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com