|

Jigjiga: Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo cafis u fidiyay 43 nin oo muddo 8 bilood xidhnaa

Jigjiga 23, June 2012 (SDN)- Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta cafis u fidiyay 43 nin oo muddo 8 bilood ah ku xidhnaa Jeelka magaalada Jigjiga ka dib markii maxkamaddi ku riday xukuno isugu jiray 15 sano, 25 sano iyo xabsi daa’in.

Dadkaas waxa lagu eedeeyay inay dhinaca Somaliland uga gurmanayeen mid ka mid ah laba beelood oo wada dega deegaano ka tirsan degmada Yoocaale ee gobolka Dhagax-buur, kuwaasoo iska-horimaad dhexmaray.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha deegaankaas, isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Arab,  ayaa maanta warbaahinta u xaqiijiyay sii daynta raggaas, waxaanu tilmaamay in dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay ka dib markii uu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya cafis madaxweyne u fidiyay.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Waxaan ku faraxsan nahay in dadkii ku xidhnaa jeelka Jigjiga ee ka soo jeeday beeshayda dhammaantood xoriyadoodii loo soo celiyay. Waxaanan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya uga mahad celinayaa Talaabadda wanaagsan ee uu qaaday oo ah mid gacan ka geysanaysa nabad- ka dhex aslaaxda labada beelood ee wada degan,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

Waxa kale oo uu Suldaanku u mahad celiyay waxgaradkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay soo daynta ragaasi.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay ka dalbadeen in dadkan xidh-xidhan xoriyadooda loo soo celiyo.

Qurbejoog.com, Jigjiga

Comments are closed