Jig-jiga:Xubnaha Guddida Fulinta Xisbiga DDSE Oo Maanta Shir Aan Caadi Ahay isku Iman Doona iyo Ujeeddada Kulankooda.
Jijiga:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Sida ay baahisay Xalay idaacadda ku Hadasha Afka Dawlad deegaanka somalida Ethiopia, waxa maanta loo ballansan yahay inuu qabsoomo Shir aan caadi ahayn oo Guddida fulinta ee Xisbigu iskugu iman doono.
Ujeedadda Shirkan ayaa lala xidhiidhiyey sidii meesha looga saari lahaa khilaafka soo shaac baxay ee u u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Somalida Ethiopia iyo ku-xigeenkiisa oo khalkhal geliyey Jiritaanka Dawladda Somalida Ethiopia.
Isla shalay Galabtii Waxaa soo gaadhay magaalada Jijiga Garab ka mid ah garabada ku hirdamaya awooda maamulka kililka waana garabka uu hogaaminayo M\Xigeenka C\laahi weeraar (c\laahi itoobiya) oo muujiyey Awood ka yaabisay madaxweyne Cabdi maxamuud cumar oo markii hore u haystay inuu si dhib yar uga Takhalusi karo.
Idaacadda afka dawladda ku Hadasha ayaa iyadu ku macnaysay shirkan mid lagu saxayo khilaafyada jira, isla-markaana lagu soo bandhigi doono Waxqabadka Dawlad deegaanka somalida Ethiopia.
Dawladda Deegaanka Somalida Ethiopia ayaa muddo dheer isku duubni muujinaysay, waxase dhawaan soo baxay khilaaf adag oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku kala fogaadeen, waxana jira Xubno badan oo Guddida fulinta ah oo la saftay Madaxweyne ku xigeenka Xilka laga qaaday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com