|

Jebhada ka dagaalanta Jabuuti ee FRUD oo dib u riixday ciidamada dawlada iyo Mareykanka oo digniin ka soo saaray

Tadjourah Aug 21,2014(SDN/QJ)-Jebhada ka dalgaalanta dalka Jamhuuriyada Jabuuti dhankiisa Woqooyiga ayaa waxa ay dib isaga caabiyeen hawlgalo ay ciidamada dalkaasi halkaa ka bilaabeen bishan aynu ku jirno 11keedii.

Dagaalo ay labada dhan isaga horyimaadeen duleedka magaalada Tadjoura ayaa waxa ay sababeen dhaawac iyo dhimasho aan ilaa iyo haatan la xaqiijin.

Sidoo kalena colaadan dhexmartay jebhada FRUD iyo ciidamada Jabuuti ayaa sababtay in Mareykanku digniin uu soo saaray uga digo muwaadiniitooda in ay dalkaa booqdaan.

Wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka ayaa digniinta ay u jeedisay muwaadiniinta waxa lagu sheegay in colaadaasi tahay mid khatarteeda leh.

Digniinta Mareykanku ka soo saaray colaada Jabuuti waxa kale oo lagu sheegay in muwaadiniintu iska xaadariyaan safaarada Mareykanka hadii ay ka fursan waayaan sii joogida Jabuuti.

Dawlada iyo mucaaridka hubeysan ee Jabuuti Ayaan ilaa iyo haatan ka hadal dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Tadjourah.

Sidoo kale ma cada in wax xal ah laga gaaraay colaadahan soonoq noqonaya ee u dhexeeya jebhada FRUD iyo ciidamada dawlada Jabuuti.

 

SDN/QJ-Jabuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed