|

Jawaari Oo Ganafka Ku Dhuftay Mooshinka Ka Dhanka ah Ra’isal wasaaraha

Muqdisho:Nov,-7,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helay Xildhibaanada kasoo horjeeda Ra’isal wasaare Cabdiweli ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaaari aanu raalli ka ahayn in xilliga la keeno Mooshin ka dhan xukuumada Jirta, taas Beddelkeena xal kale la raadiyo.

jawaariGuddoomiye Jawaari oo haatan ah Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa la sheegay inuu si weyn uga cago-jiidayo mooshinkaas, waxana uu si cad ugu sheegay mudanayaasha mooshinkaas wata inay cagaha u dhigaan oo raadiyaan tallaabo kale oo dhibaatada jirta lagaga bixi karo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow  oo kamid ah Mudanayaasha Mooshinka wata, ayaa sheegay In140-Xildhibaan ay Gudbiyeen Mooshin Ra’isal wasaaraha iyo xukuumaddiisa ka dhan ah, waxana uu tilmaamay inay tododbaadka soo socda Gudbin doonaan.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray in Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ay u dhiibeen Mooshinkaasi, waxaana la filayaa in Xildhibaanadu sii kordhaan.

Dhanka kale, ku dhawaad 65 Xildhibaan ayaa xalay ku kulmay Villa Hargeysa oo Madaxtooyadda ku taalla, waxayna si adag uga soo horjeesteen Mooshinka laga soo gubdiyay Xildhibaanada, sida uu Warbaahinta u sheegay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil.

Waxaa lagu wadaa in Todobaadka soo socda in Kulanka Baarlamaanka looga hadlo Arrimaha la xidhiidha Khilaafka Xasan Sheekh & RW C/wali.

Nickolas Kay, Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Xalka Khilaafka Madaxda DFS uu la kaashanayo Dowladda Ethiopia, maadaama Madaxda dalka ay wax ka maqlaan Xukuumadda Addis Ababa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed