Jawaabtii Abwaan Guuleed Xawaashe
Sida uu wariyay Abwaanka, macalinka, baraha sare ee proff:Abdillaahi Diiriye Aw Guuleed oo lagu garan ogyahay Carraalle kuna nool dalka Denmark, isla markaana uu aabihii Diiriye Aw Guuleed Warsame Guutaale ka mid ahaa ragii Silsilada ka garnaqay kuwoodii ugu dhex dhexaadsanaa, waxaa jirta inuu Guuleed Xawaashe maanso kale oo rogaal-celis ha ku soo galay Silsilada markii uu dareemay in si reeraysan loo garab bidixaynayo lana leeyahay ilmaadeer isku ardaa ah oo isaga kaa dhaw baa is haysee firdhisada iskaga durug,
Abwaan Guuleed wuu garnaqsaday isna difaacay kaalinta uu degaankaa Silsiladu gaadhay ee Xalxalis- Xaguuga ilaa ay Gaashaamo soo gaadhay ku muujiyay suugaan lagu dhigi jiray dugsiyadii sare ee Soomaaliya oo Silsilada ka mid ahayd, hadaba anigoo wali baadhaya cajaladii uu abwaan Carraale sida farshanimada ah uga sheekeeyay silsiladaas xalladda miidhan ahayd, ayaan waxaan xusuustaa inuu Guuleed Xawaashe ku cadeeyay jawaabtiisaa labaad inuu is cadeeyay inuu yahay guurti iyo nin aan laga maarmin, sidoo kale wuxuu ku baanay inkastoonu dhalasho ahaa ka mid ahayn labada ardaa ee isna ah kalana qabta haddana aanu ka fogayn oo laftiisu sanad walba hablo laga guursado oo uu waliba dhibaad iyo xoolo kaleba raaciyo, sidoo kale wuxuu ku hanjabay in haddii laga dayn wayno fogaynta uu guuri doono oo talkii iyo halka Arab ku badan yahay u rari reerkiisa, ma wada hayo ee waxaan idiin daayay inaad idinku soo heshaan inta dhiman, waa kii lahaa
Guuleed Xawaashaan ahay iyo guurtidii hore e
Gugii galaba gabadh baan dhisaa gurina raacshaaye
bayka kale wuu iga yara jaban yahay waxaase uu la macno ahaa
hadii aan tolkay u guuro oo geedi dheer galo
bal maxaad ka guri hadaan guri cas kuu reebo
Ujeedada qormadani waxaay tahay talaw Abwaan, Murashax Jamaal Cali Xuseen muu sidaa Guuleed Xawaashe is barrixi oo gabay isku daafici isla markaana sheegi kaalintiisa iyo inuu dawl u lahaa inuu Faysal la safto mise wuu aamusi,
la arki doonee
Jamal Haji Axmed Madar” Samakaab”