Jawaab Maqaalkii Waa Kuma Musharaxa Xisbigga UCID?
Marka hore salaan bahda saxaafadda; waxaan jecelahay inaan ka jawaabo maqaal uu qoray nin magaciisu ahaa; Mohamed Haji mohamoud oo sheegtay inuu yahay political science and research analyst. Nuxurkii maqaalkiisuna wuxuu ahaa shaki ayaa ku jira musharaxnimadda Jamaal Cali Xuseen maadaama aanay shirweyne ansaxin, oo wixiisuba ay yihiin heshiis ay gaadheen isaga iyo Faysal Cali Waraabe. Walaalkay Mohamed oo weliba yidhi researcher ayaan ahay runtii way ka qaloocsantahay ee waxay ahayd inuu research ku sameeyo xisbiyadda waxa sharci ah iyo waxaan sharci aheyn. Haddaba walaalkay aan u saxee; sharciyadda labadda xisbi ee Kulmiye iyo UCID waa isku mid oo golaha dhexe ayaa sharciyeeya musharxiinta madaxtinimadda. Golaha dhexe ee xisbigga UCID shirkiisii October 2012 waxay ku ansixiyeen inay xisbigga UCID doorashadda madaxtinimadda ee 2015 ay uga qayb gelayaan mudan Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan waanay gudbiyeen. Waana sababta aanay weli Kulmiye u qabsanin shirkii golaha dhexe ee musharaxa lagu ansixinaayey. Markaa waa lax baa lagaa yidhi ee fadlan waxba ummadda ha manjaro habaabinin adigoon research fiican sameynin. Waxaanu moodaynay inaad ahayd aqoonyahan siyaasadda bartay haddana qaldaaya shuruucdii dalka; mise ugu tallo gelid aad doonaysid inaad dadka shaki ka gelisid musharaxnimadda Jamaal. Waxba ha barbar dhigin ta Muuse Biixi fadlan waa nin waxiisii qoraal ku soo dhameystaye; laakiin labadda aqoonyahan ee Jamaal iyo Cabdirashiid way ka taxadireen sharciyadda UCIDna waxeedii qalaylka ayeey ku kala qaybsatay October 2012 ee sheeko kale keen. UCID waa xisbigga keliya ee sharciyadiisii oo dhan ay dhamaystiran tahay oo shireweynihiina January 2012 ayuu qabtay, shirkii golaha Dhexe ee musharxiinta lagu dooranayeyna October 2012, muddo 5 sano ka dibna wax kale uma baahna.
Ali Abdi Faarax
Maaha political science researcher,Laakiin nin u dhuun daloola siyaadda Somalilandta