|

JARMALKA:-Warbixin Dhibaatada Guryaha Ka Haysata Dadka Aan Jarmalka dhaladka ah ahayn

Berlin 24. June 2017 (SDN/QJ):- Dhawaan ayaa waxaa la sameeyey baadhitaan lagu eegayo inay jirto cunsuriyad ama kala sooc lagu hayo bulshada ku dhaqan Jarmalka ee u baahan hoy ay ku noolaadaan inay ijaartaan/kiraystaan taasi oo sumcad xumo ku noqotay shirkadaha  dilaaliinta ah ee guriyaha kireeya iyo waliba dadka Jarmalka ah ee guryaha iskaleh laftooda oo ku jira arintan.

Sida ay qoreen saxaafada Jarmalka qaarkood ayaa sheegaysa in Tijaabo lagu eegay magacyo kala duwan oo iskugu jira magacyo Muslim ah iyo Magacyo Jarmal ah ayaa cadeeyey ugu danbeyntii natiijada tilmaamaysa qaabka loogu soo jawaabay codsiyo ay u qoreen shirkadaha waaweyn ee guryaha kireeya .

Labada  magac oo kala ahaa magacyada Muslimka iyo Jarmalka ,waxaana codsiyadaasi lagu qiyaasay in kabadan 20 kun oo codsi oo online loogu diray codsi guri shirkadahahaasi guryaha ijaarka/kirada qaabilsan ee Jarmalka.

Hadaba sida ay warbixintu faahfaahisay ayaa lagu sheegayaa inay guud ahaan Jarmalka ku kala badnaayeen qaabka loola tacaalay dadka soo dalbaday guryaha,Tusaale ahaan Gobolka Bavaria ama Magaalada München iyo Frankfurt am main ayaa ah in mudo ahba kuwo lagu dhibtooday oo aan dadka asal ahaan Ajaanibka ah ka kiraynin/ijaarin guryaha halka gobolada bariga Jarmalka sida Magdenburg iyo Liebzig ay ka qafiifsan tahay dhibaatada guryuhu.

Isku soo wada duuboo waxaa jira qodob sharciyeed dhigaya in qofku wixii uu xaq u heli karo aanan jinsiyadiisa loogu diidi karin ,waxaana arintani aqabad ku noqotay hirgalinta is dhexgalka bulshada qaabka iyo degaanka magaalooyinka habka loo dego ama looga ganacsado,Waxaana sidoo kale qoraalo ka qoray xafiisyo madax banaan oo wargaliyay hay’ada guryeynta wadankani iyo Shirkadaha laftoodu inay sidani wax ka badalaan.

Ka fiiri jaantuska hoose  heerka kala saraynta dadka aan loo soo jawaabin xaga codsigooda markay dirsadaan ee la arko magaciisa inuu yahay ajanabi ee aanu ahayn Jarmal.

Comments are closed