|

Jarmalka Oo Shaqadii Ka Caydhiyey Askari Muslim ah Oo Diintiisa Lagu Faquuqay

Munchen:March,01,2015(SDN/QJ)-Askari muslim ah oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa shaqadii uu hayey laga caydhiyey, kaidb markii lagu eedeeyey inuu sameeyey Cibaado la xidhiidha diinta Islaamka.

shogAskarigan oo Da’diisa lagu sheegay 21-sano jir, Maxakamada ciidamada ee dalkaa ee loo yaqaano Bundeswehr, ay soo saartay Amarka shaqada lagaga caydhinayo.

Askarigan oo laga soo bilaabo 2009-kii ka shaqeynayay xarunta ciidamada cirka ee Noervenich ayaa lagu eedeeyay inuu yahay nin shareecada islaamka ku ad adag shanta salaadoodna tukada Bisha Ramadaana sooma.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu yahay nin aad ugu hogaansan Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Askarigan Muslimka ah ayaa magaciisa lagu soo koobay Daniel B. waxaana iska dhalay aabe Jarmal ah iyo hooyo Holaandiis ah.

Sirdoonka ciidamada Germany ayaa dabagal ku sameeyey askarigan muslimka ah waxayna weydiiyeen Su’aalo ma aanay ku helin wax lid ku ah amniga ciidanka uu ka tirsan yahay iyo xarunta uu ka shaqeynayay muddada dheer.

Mabaadiida uu askarigan aaminsan yahay ayaa lagu sheegay in hadii uu awood heli lahaa u ololayn lahaa hirgelinta shareecada Islaamka waxay kale oo ay sheegeen inuu yahay nin aaminsan ciqaabta dilka, jihaadka uuna udhaqmo sida Sacuudi Carabiya looga dhaqmo.Askarigan ayaa lagu waayey wax dambi ah oo aan ka ahayn sifooyinka muslimiinta ee kor ku xusan.

Maxakamada ciidamada Germany ee Bundeswehr ayaa sheegtay in askartu u hogaansanto dimuqraadiyada aasaasiga ah ee Germany sidaas darteedna ay xaq tahay in askarigan shaqada laga eryo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed