Jarmalka oo Maxkamad ku bilaabay Dagaal Yahan ka Tooban keenay Kooxda Daacish
Berlin 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dagaalyahan ka garab dagaalamay kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq kana yimi dala dalka Jarmalka,ayaa dib ugu noqday dalka Jarmalka oo uu haysto baasaboorkiisa laaiin aanu u dhalan.
Wiilkan oo 20 jir ah una dhashay Jamhuuriyada Kosovo balse heysta dhalashada dalka Jarmalka,ayaa la soo taagay Maxkamad ku taala isla magaalada Frankfurt. Wiilkan ayaa intii uu ku maqnaa dagaalada Siiriya gaar ahaan garabka maleeshiyaadka Daacish ee (ISIS) waxaa laga dhageysan jiray Telefoonada uu u soo diro gudaha dalka Jarmalka kaasoo sidoo kale lacag u aruurin jiray maleeshiyaadka dagaalada ka wada Ciraaq iyo Siiriya.
Kooxaha xag jirka ah ee ka soo dagaalama wadamada Ciraaq iyo Siiriya ayaa gacanta lagu soo dhigaa marka ay dalalkooda dib ugu soo laabtaan maadaama inta badan Wadamada Yurub ay ugaadhsi ku hayaan Dagaalamayaasha Jihaadka u baxa ee hadana dib ugu soo noqda dalalkii ay u dhasheen halkaasoo lagu qabto laguna soo taago Maxkamad
Berlin SDN