Jarmalka oo madaxweyne Dooranaya Maanta iyo cida xilkaa lagu wado
Berlin Mar 19,2012(SDN)-Nin hore ugu halgami jiray xuquuqda aadamaha ee bariga Jarmalka waqtigii hore ayaa maanta laga filayaa in baarlamaanka dalkaasi u doorto madaxweye , kadib markii ay isla ogolaadeen xusbiyada waa weyn ee dalkaasi in uu noqdo madaxweyne.
Hase ahaatee jagada madaxweynaha Jarmalku ma laha awood badan waxa kali ah uu khudbado soo dhaweyn ah ka jeediyaa shirarka caalamiga ah iyo kulamada waa weyn ee dalkaasi ka qabsooma, waxase awoodda maamul ee dalka Jarmalka leh Ra’iisal wasaaraha dalkasi iyo baarlmaanka .
Doorashadani waxa ay timi markii madaxweynihii hore ee dalkaasi iscasilay bishii hore ee sannadkan markii lagu eedeeyey fadeexado musuq maasuq.
SDN-Berlin