|

Jarmalka Oo Go’aansaday Inay Saraakiil Ciidan u Diraan Dalka Somalia

Berlin:20-March-2014(SDN)-Nin Afhayeen ah oo u Hadlay Dalka Jarmalka ayaa sheegay inay Qorshaynayaan sidii ay Ciidan Kooban ugu diri lahaayeen Dalka Somalia.

tobtiAfhayeenkan, ayaa sheegay in isku daygoodaas ay cod uga raadin doonaan Baarlamaankooda si Tallaabadaasi ay sharci u noqoto.

Ra’iisalwasaaraha dalka Jarmalka Angel Mirkel ayaa go’aan ku gaadhay sida la sheegayo in ugu yaraan  20 sarkaal oo Jarmal ah oo Somaliya loo soo dirayo taasi oo keentay baarlamaanka dalkaasi loo cod weydiiyo ka hor inta aan Somaliya loo soo dirin.

 

Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxa loo soo wareejiyey howlgalka loogu talo galay tababarida ciidanka Somaliya taasi oo la tilmaamay in midowga Yurub ay garwaaqsadeen tababarida ciidanka Somaliya in Muqdisho lagu tababaro.

Ciidamada Ajaanibka ayaa si Qarsoodi ah u jooga Magaalada Muqdisho, iyagoo Tababaro siiya Ciidamo Gaar ah oo shaqooyinka Sirdoonka iyo Amniga u badan, iyadoo Waddamo Badanina ay Joogaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed