|

Japan Oo 11.6-million Dollar Ugu Deeqday Dad ku Rafaadsan Ehiopia Oo Somaliyi Ka Mid Tahay

Tokyo:14-Jan-2014(SDN)-Ra’iisal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ku dhawaaqay Hadal ay ku farxeen Malaayiin Qaxoonti soomliyi ku jirto oo ku sugan Dalka Ethiopia, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu siin doono Deeq lacageed.

shinzeRa’isal wasaare Shinso Abe ayaa xusay  in dowlada Japan ay ku deeqday 11.6 Milyan oo doolar si loogu caawiyo qaxootiga ku sugan dalka Ethiopia kuwaasi oo ka tagay wadamada deriska ay Ethiopia yihiin.

 

Qaxootigan ayaa intooda badani ka soo jeedaan Dalka Somalia, waxana ay ka Diiwaangashan yihiin Xeryo ku yaalla Ethiopia, waxan ay dadkani ka soo carareen dagaalada ka socda Waddamada ay Ethiopia Deiska yihiin.

 

Mr Abe, ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii uu soo dhamaaday safarkiisa bariga dhexe iyo Africa, waxaana sidoo kale ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ay isla garteen inay sameeyaan xidhiidh wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah iyo is fahanka ah.

 

Sidoo kale arimaha ay iska garteen sida laga soo xigtay masuuliyiin Japanese ah waxaa kamid ahaa sidii qeyb weyn ay kaga ciyaari lahaayeen dhex dhexaadinta Sudaanta koofureed oo haatan dhibaato badan ku haysa wadamada Afrikca bari ku yaalla, maadaama ay Nabadgelyadooda saamayn ku leedahay.

 

Ra’iisul wasaare Hailemariam ayaa soo dhaweeyay howlgalka ciidamada Japan ay ka wadaan koofurta Sudan iyo howlgalka la dagaalanka kooxaha budhcad badeeda Soomaaliya.

 

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowlada Japan inay qeyb weyn ka ciyaarto nabadeynta dalalka qaarada Africa.

 

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa sheegay inay aad u daneynayaan in warshadahooda ay ka howlgalaan dalka Ethiopia si ay qeyb kaga qaataan kobcinta dhanka dhaqaalaha ee dalkaasi.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed