Japan oo $100 Million oo deyn ah ka cafisay Soomaaliya
Muqdisho November 07, 2024(QJ)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Japan u fadhiya Kenya OGIHARA Hiroshi ayaa kala saxiixday heshiis ay Japan kaga cafineyso deyn dhan 14 bilyan oo Yen oo u dhiganta in ka badan 100 milyan oo dollar.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah hannaanka deyn cafinta Soomaaliya kadib go’aankii Naadiga Paris ee bishii March 2024.
Wasiir Cige ayaa uga mahadceliyey deeqsinimadooda Japan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay dhiirigelinta ay u fidiso Soomaaliya dib u habeynta maaliyadda iyo dadaallada kor loogu qaadayo dakhliga.
Safiirka Japan ayaa ballan qaaday inay sii wadayaan iskaashiga iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.