|

Jamhuuriyada Africada Dhexe oo Muslimiintii ku nooleyd la isu raaciyay Xasuuq iyo Barokac

Bangui Feb 13,2014(SDN)-Meliishaadka masiixiyiinta ah ee dalka CAR ama Jamhuuriyada Africada Dhexe ayaa wada bar tilmaansi ay la beegsanayaan Muslimiinta dalkaa looga Tirada Badan yahay,sida ay sheegeen hay’adaha u ololeeya Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch iyoAmnesty International.

Hay’adaha ayaa sheegay in intii ka danbeysay kolkii Jabhado Muslimiin ahaa ay awoodii dalkaas kala wreegeen madaxweynihii hore ee dalkaasi Francois Bozize in dalkaas dagaal diimeed uu ka socday.

Meliishaadkii Muslimka ahaa oo loo yaqaano Seleka ayaa dhawaan ay talada dalkaasi ka tuureen meliishaad Masiixiyiina oo haatan gumaad ku haya Muslimiinta dalkaasi.

Amnesty iyo HRW ayaa sheegay in ay Muslimiin ka badan Nus Million haatan ka qaxayaan degaanadooda isla markaana ay Beesha Caalamku indha ka qarsatay mushkiladan.

“Meliishaadka Masiixiyiinta ayaa haatan wada xasuuq ay Muslimiinta uga suulinayaan dalka Jamhuuriyada Africada Dhexe”sidaa waxa yiri u qeybsanaha Amnesty ka hortaga xasaradaha Joanne Mariner.

Si kastaba ha ahaatee saxaafada caalamka ayaa soo bandhigayay bilihii u danbeeyay sawiro fool xun oo muujinaya sida waxashnimada leh ee ay Masiixiyiinta CAR u leynayaan Muslimiinta dalkaasi.

Ciidamo ka kala socda Faransiiska iyo midawga Africa ayaa ku guul dareystay in ay joojiyaan xasuuqa masiixiyiintu ku hayaan Muslimiinta dalka CAR.

SDN-Bangui
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed