Jamaahiirta oo cuno qabateeyay Maageliyeyaashii HEEGO
Laascaanood April 08, 2023 (QJ) – Xoogaga SSC ayaa si toos ah u beegsaday ganacsato reer Somaliland oo lagu tuhmayo in ay maalgeliyaan qorsheyaasha guracan ee HEEGO.
Degaanada SSC ayaa waxa gebiahaanba laga joojiyay ganacsiga u kala goosha Somaliland iyo bartamaha Soomaaliya oo inta badan ganacsato xiriir dhow la leh xukunka mudo dhaafka dalka ku jooga ee Muuse Biixi.
Ganacsatadan oo dakhliga ugu badan uu ka soo galo ganacsigoodan la xayiray aya haatan wejahaya caqabado dhaqaale, halka tilaabadani fursad u noqon dooto ganacsato kale oo reer Puntland ah.
Ganacsatada sida weyn ay u saameysay xanibadan dhaqaale waxa ka mid ah ina Oomaar, Ina Xarbi iyo Ina dahabshiil.
Ganacsatan uu in mudo ahba ku lamaanaa xukunka Muuse Biixi ayaa haatan reer SSC beegsadeen, waana halgaado soo gaareysa HEEGO oo hanti si dadban uga heli jirtay ganacsatan.
Waxaana dad badan oo siyaasada Somaliland ka faaloodaa sheegayaan in tilaabadani hoos u dhigi doontoo lacagihii lagu fasaahidinayay siyaasiyiinta Somaliland.