|

Jacob Zuma Oo Wali Cisbitaalka ugu sii Jira Xaalad Caafimaad-darro

Peritoria:June,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa la soo warinayaa inuu wali ku jiro cisbitaal la dhigay Saddex Maamlood ka hor.

zumaaaaaSida ay ay tibaaxayaan wararka laga helayo saraakiisha madaxtooyada Koonfur afrika, waxa madaxweynuhu wali la tacaalayaa xaalad caafimaad darro oo dhawaan si kedis ah loogu arkay.

 

Saraakiisha ayaa sheegtay in Madaxweyne Jacob Zuma lagu arkay Xaalad aan hore loogu arag oo ay kamid tahay Neef tuur, Keliyo xanuun, Sambaba-xanuun iyo Maskax-xanuun, iyadoona aan hore loogu arag xanuunadaasi xataa muddadii hore ee uu kursiga dalkaasi looga arrimiyo kuĀ  fadhiyey.

 

Madaxweynaha Koonfurta Afrika Jacob Zuma ayaa Dorraad la dhigay isbitaalka si loo baadho xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay in muddooyinka soo socda aan lagu arki doonin fagaarayaasha la isugu yimaado.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa markale xilka loo dhaariyey Taariikhdu marka ay aheyd 25kii bishii May kadib markii xisbigiisa ANC uu markale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed