|

Jabuuti oo walaac ka muujisay amnigeeda Xeryaha Ciidamada Shisheeye awgood

Jabuuti July 13,2012(SDN)-Jamhuuriyada Jabuuti oo xarun u ah xeryaha Africa uu waaweyn ee Faransiiska iyo Mareykanka ayaa waxa walaac ay ka muujisay saameynta ay amnigeeda ku yeela karto hawlgalada ciidamadaasi ka fuliyaan dalalaka Jabuuti Jaarka la ah.

Jabuuti ayaa walaac ka muujisay in hawlgaladu keenaan in xagjiriinta ku nool dalalka jaarku ay weeraro rogaal celis ah ku qaadaan dalkooda.

Jabuuti ayaase hoosta ka xariiqday in dhaqaale xumada,shaqo la’aanta iyo degenaansho xumida gobolka ay keeni karto in xagjirnimadu dalkooda sal dhigato.

“Xaqiiqatan waanu ka walaacsan nahay dhibaatada ka dhalan karta joogida ciidamada ee Jabuuti,balse ciidamadayada ayaa ku filan sugida amniga,waxase walaac nagu haya in xagjiriintu ka faiideysataan saboolnimada dalka ka jirta”sidaa waxa Reuters u sheegay wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh.

Jabuuti ayaa la sheegay in ay xerada faransiiska ku leedahay dalkooda uga kireeyay 30 million euros,halka Mareykankana ay ka qaadaan $30 million.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed